Xarunta Daraasaadka Siyaasadda ee CPA ayaa qabatay kulan lagaga hadlayo Loollanka ka taagan cas ee dhexmaraya quwadaha waaweyn, ammaanka badda iyo weliba saamaynta ka dhalan karta Heshiiska dhexmaray dawladda Somalia iyo shiinaha ee ku aaddanaa in shirkadaha Shiinaha ahi ay ka kalluumaystaan badaha Somalia oo ay ku jirto marin biyoodka Badda Cas ee ku yaalla xeebaha Somaliland.

Kulankan waxaa hadal-jeedin iyo faaqidaad dheer ka sameeyey Aqoonyahan Axmed Yuusuf Xirsi, oo ah khabiir ku takhasusay amniga badaha, isla markaana ah xidhiidhiyaha barnaamijka ammaanka badaha ee urur goboleedka IGAD, wuxuuna si qoto dheer oo lafa-guray loollanka ka socda badaha gobolka ee ay ku hirdamayaan quwadaha waaweyn, muhiimadda badda cas ee loollanka socda, iyo kalluumaysiga ka socda badweynta Hindiya iyo Badda Cas.  

Kulankan waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday laamaha dawladda, golaha baarlamaanka, Xisbiyada Qaranka, Aqoonyahanno, Ururada Bulshada Rayidka ah, Hay’adaha Caalamiga ah, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Xarunta CPA waxay warbixin ka soo saari doontaa kulankan, sida ugu dhakhsaha badan.