1. HORDHAC

In ka badan 30 jeer oo ay kulamo yeesheen, ayaa xisbiyada Somaliland iyo madaxweynuhu, ay ku guul daraysteen inay xalliyaan khilaafka dhexdooda yaalla, ama marka heshiis la gaadho, aanay suuro-gal noqon inuu sidii lagu heshiiyey u fulo. Xukuumaddu waxay marwalba ku eedanaysaa Xisbiga Waddani inaanu diyaar u ahayn doorasho, iyaga oo sheegaya inay dhinacooda diyaar u yihiin, halka Xisbiga Waddani oo soo qaadanaya tusaalayaal la xidhiidha tallaabooyinka ay xukuumaddu qaadayso, uu ku doodayo in xukuumaddu aanay sinaba diyaar ugu ahayn inay dalka doorasho ka qabato, taas bedelkeedana dalku u sii xuubsiibanayo kelitalisnimo, waa sida uu tilmaamayo Xisbiga Waddani.

July 27th, 2019, ayaa beesha caalamku soo farogelisay, muranka u dhexeeya Xisbiyada iyo Xukuumadda, iyaga oo ku guulaystay inay dhex-dhigaan heshiis xal lagaga gaadhayo, khilaafkii ka taagnaa guddida doorashada, isla markaana jidka u xaadhaya inay Somaliland ka qabsoomaan doorashooyin, heshiiskaas markii la saxeexayey waxaa goobjoog ka ahaa Danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Soomaalia Nicolas Berlanga iyo Madaxa xafiiska UK ay ku leedahay magaalada Hargeisa Stuart Brown. Nasiib darro, heshiiskaasi uma dhaqan gelin sidii loogu heshiiyey, lamana raacin jadwalkii ku xusnaa, mana jirin cid masuuliyad iska saartay. Waxaase markale lagu noqday, murankii guddida doorashada, iyaga oo ay hareer socdeen tallaabooyin, sii fogaynayey in doorashooyinku ay Somaliland ka qabsoomaan sannadka 2020.

Sidoo kale Golayaasha deegaanka ee haatan xilka haya, wuxuu wakhtigoodii dhamaaday April 29, 2019. Tan iyo xilligaas ma jirto sharciyad ay ku shaqeeyaan, arrintaasina waxay noqonaysaa cashar kale oo ay siyaasiyiinta Somaliland ka baranayaan, in marka wakhtigoodu dhamaado ay kuraasta iska sii joogi karaan, si la mida casharka Somaliland ay ku soo kordhisay dimoqraadiyadda ee ah, in marka xilku ka dhamaado masuuliyiinta la doorto inay kuraasta ku sii joogaan muddo kordhin.

Ugu dambayn, waxaa la magcaabay guddi doorasho oo markale lagu muransan yahay, waxaana Golaha Guurtidu ay muddo laba sano ah u kordhiyeen golaha Wakiillada halka muddo xilleedkoodana ay Golaha Guurtidu ku darsadeen laba sano oo kale, tallaabadaas oo ka hor-imanaysa, soo jeedintii farsamo ee guddida doorashadu hore u sheegeen inay doorashooyinka ku qaban karaan muddo 10 bilood ah. Golaha Guurtida ayaa 17-kii sano ee ugu dambeeyey sameeyey in ka badan 30 jeer oo muddo kordhin ah, oo ay u sameeyeen Golayaasha Baarlamaanka, Deegaanka iyo Madaxweynayaashii hore. Golaha Guurtida ee haatan fadhiya ayaa la soo xulay sannadkii 1997 iyaga oo muddo xileedkoodu ku ekaa sannadkii 2003, hase ahaatee waxay tan iyo xilligaas ku joogeen muddo kordhin soo noqnoqota. Nasiib darro golihii Guurtida ee la soo xulay sannadkii 1997, waxaa haatan golaha ka jooga in ka yar 10 xubnood, halka ay cusub yihiin in ka badan 72 xubnood. Waxaana dood sharciyeed ay ka taagan tahay habka loo buuxiyey xubnaha cusub ee golahaas ku biiray, kuwaas oo qaarkood aanayba gaadhin da’da ku xusan dastuurka dalka.

27th November 2019, Qoraal ka soo baxay dalalka la saaxiibka ah Somaliland, Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midawga Yurub ayay walaac kaga muujiyeen, muddo kordhinta golayaasha sharci-dejinta ee Somaliland, muranka guddida doorashooyinka iyo tallaabooyinka ka dhanka ah xoriyadda hadalka. Dalalkan ayaa ah kuwa Somaliland ka taageera arrimaha horumarka, nabadgelyada, dimoqraadiyadda, gargaarka bini’aadanimo iyo fududaynta wada-shaqaynta ay Somaliland la leedahay wadamada caalamka. Waana fariin culayskeeda leh marka la eego dalalka soo saaray qoraalka, kuwaas oo talooyin u soo jeediyey siyaasiyiinta iyo madaxda Somaliland, oo haddii aan si miisaaman loo dhegeysan, ay dhacayso inay saamayn xooggan ku yeelan karto, nolosha bulshada iyo xidhiidhka Somaliland ay la leedahay wadamada debedda.

  • Caqabadaha ugu waaweyn ee doorashada horyaalla:

Caqabado kala duwan ayaa ku hareeraysan qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada, waxaana caqabadaha ugu waaweyn ka mida:

  • Xeerkii Doorashooyinka isku dhafan oo illaa haatan aan laga doodin, lana ansixinin, waxaana golaha wakiillada loo gudbiyey bishii June 2018, hase ahaatee Golaha Wakiillada ayaa sheegay inay xeerka uga doodi waayeen, maadaama aan weli heshiis siyaasadeed laga gaadhin, qoondada kuraasta ee gobollada dalka.
  • Saami-qaybsiga kuraasta: arrinta saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka ayaa noqotay qodob dood badan dhaliyey, waxaana jira gobollo kala duwan oo aan ku qanacsanayn, habka gobollada loogu qaybiyey kuraasta baarlamaanka ee haatan goluhu ku fadhiyo, waxayna rabaan in dib loo qaybiyo.
  • Qoondadii Haweenka iyo dadka la hayb-sooco illaa haatan heshiis lagama gaadhin, inkasta oo Dalladda Haweenka ee NEGAAD iyo dhinacyo kaleba ay door weyn ka qaateen in golaha wakiillada lagu qanciyo inay meel mariyaan qoondada haweenka.
  • Guddida Doorashada: Guddidii hore ayaa wakhtigoodu dhamaaday iyada oo mid ka mida xisbiyada mucaaradka ahi ay ka cabanayaan guddida doorashada, sidoo kale waxaa la magcaabay guddi cusub oo doorasho kaas oo isna ay ku gacan saydheen labada Xisbi Mucaarad.
  • Muddo kordhinta-cusub ee Golayaasha loo sameeyey oo ah caqabad kale oo hor leh.
  • Kala-qaybsanaanta siyaasadeed ee dalka ka jirta, waxay caqabad ku noqonaysaa in la galo doorasho, illaa haatanna ma muuqato doonis siyaasadeed oo dhinacyada ay khusaysaa ay doonayaan inay ku daaweeyaan, kuna mideeyaan bulshada.
  • Saaxadda Siyaasadda: Waxaa jira meelo ay ka hawlgalaan kooxo hubaysan oo ka soo horjeeda siyaasadda xukuumadda, taas oo caqabad ku noqonaysa in doorasho dalka laga qabto, haddii aan xal laga gaadhin. Xukuumadda ayaa leh masuuliyadda ammaanka iyo diyaarinta saaxadda doorashada, sidaas awgeed waa arrin u baahan in shaqo badan laga qabto.
  • Diiwaangelinta codbixiyayaasha oo aan illaa haatan la cusboonaysiin.
  • Dhaqaalihii Doorashada iyo cusboonaysiinta Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ayaa Iyana u baahan in la diyaariyo.

Qodobadaasi waxay ka mid yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada.

  • Golayaasha Deegaanka:

Golaha Deegaanka ee Somaliland waxaa la doortay bishii November 2012, waxaana xilkoodu ku ekaa muddo shan sano ah oo beegnayd November 2017, hase ahaatee waxaa loo sameeyey muddo kordhin ku ekayd illaa 28 April 2019. Nasiib daro, tan iyo wixii ka dambeeyey xilligaas, may jirin wax muddo kordhin ah oo loo sameeyey, sidoo kalena waxay ku shaqaynayaan golayaasha deegaanka ee Somaliland iyaga oo aan haysan wax sharciyad ah.

  • Haddii wakhtiga Golayaasha Deegaanku Dhamaado Maxaa la samayn karaa?

Sida ku cad qodobka 111aad ee dastuurka faqraddiisa 9aad, Xoghayayaasha Dawladaha Hoose ayaa xilka sii haynaya inta laga soo dooranayo gole deegaan oo cusub. Sidaas awgeed, maadaama golayaasha deegaanka ee haatan uu wakhtigoodii dhammaaday, waxaa waajib ah in la raaco dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

  • Danaha isu sidkan (Conflict of Interest)

Masaalixda ka dhexeysa hay’adaha dawladda ee salka ku haysa, sii joogitaanka xafiiska, marka uu dhamaado xilligii la doortay, ayaa u muuqata, inay caqabad weyn ku noqotay koboca dimoqraadiyadda Somaliland. Siyaasiyiin badan oo la doortay ayaa doorbiday inay kursiga sii joogaan, iyaga helaya fursado siyaasadeed oo u saamaxaya inay dib u dhigaan doorashada lagu bedeli lahaa.

Tusaale ahaan,

  • Golaha Guurtidu waxay wakhtiga u kordhiyaan golaha wakiillada, markasta oo ay golaha wakiillada u kordhiyaan, waxay helaan muddo kordhin toos ah (Automatic Extension) iyaga oo isticmaalaya qodob sharci oo la ansixiyey sannadkii 2003 oo dhigaya in doorashada Guurtidu ay hal sano ka dambayso doorashada golaha wakiillada. Sidaas awgeed, Golaha Guurtidu dantooday ka dhex arkaan, inay u kordhiyaan golaha Wakiillada.
  • Markasta oo dib u dhac ku yimaaddo hal doorasho, waxaa Khalkhal ku yimaaddaa jadwalkii doorashooyinka, halkaasina waxay faa’iido u tahay madaxweynayaasha oo Iyana marka xilligooda la gaadho wakhtiga ku darsaday.
  • Xisbiyada Qaranku, waxay haystaan shahaado 10 sannadood ah, taas oo la siiyey January 2013, shahaadadaas ayaa dhacaysa January 2023, haddii xilligaas la qabto doorasho gole deegaan, waxaa imanaysa in Xisbiyada dib loo furo.
  • Muddo Kordhinta:

Muddo kordhinta ay sameeyeen 24/11/2019, golaha guurtida ee Somaliland ayaa noqonaysa muddo kordhintii 30aad ee ay sameeyaan[1], taas oo ka dhigaysa, in shaqada ugu weyn ee golaha guurtidu ay qabtaan ay noqotay, inay wakhtiga u kordhiyaan, hay’adaha la soo doortay ee Somaliland.

Qodobka 42aad ee Dastuurka Somaliland faqraddiisa 3aad ayaa dhigaysa:

“… Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana goaan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukuumaddu sidaa soo jeediyo …”

Haddaba sharciyan dastuurku wuu caddeeyey duruufaha keeni kara muddo kordhinta, waxaase muuqata in haatan Somaliland aanay ka jirin dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah iyo afooyin dabiici ahi, taas bedelkeeda ay ka jiraan Murano siyaasadeed oo taxane noqday, kuwaas oo u muuqda in sababaha ay u dhammaan la’yihiin ay ka mid yihiin, in laga leeyahay dano siyaasadeed oo aan la doonayn in la xalliyo.

  • Golaha Guurtida:

Golaha Guurtidu, wuxuu Somaliland ugu fadhiyaa, kaalin aad u weyn, waxay door laxaad leh ka soo qaateen nabadaynta Somaliland gaar ahaan xilliyadii ugu adkaa, waana golaha qaabilsan arrimaha dhaqanka, diinta iyo nabadgelyada, waana gole illaa haatan muhiimaddiisu ay taagan tahay.

Golaha guurtidu waa gole distooriya, oo leh shakhsiyad qaanuuni ah, xubnaha golaha guurtida ee dastuurku xisaanadda iyo mudnaanta siiyey, waxaa la cayimay wakhti ay xilka hayn karaan oo ku kooban muddo lix sannadood ah, sida ku cad qodobka 58aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas awgeed xubnaha golaha guurtida waxaa la doortay sannadkii 1997, iyada oo muddada xil hayntoodu ay dhamaatay sannadkii 2003, meelna dastuurka kagama qorna in loo kordhiyo golaha guurtida, hase ahaatee waxay muddo kordhintooda u isticmaalaan Xeer Lr. 19 oo soo baxay sannadkii 2003. Halkaas waxaa ka cad inaan muddo kordhinta golaha Guurtidu aanay ku dhisnay Dastuurka balse ay tahay mid lagu jideeyey xeer ay soo saareen golaha baarlamaanku.

  • Qodobka ay Guurtidu u xuskato isu kordhinta iyo muddo kordhinta:

29 March 2003, waxaa golayaasha baarlamaanku ay meel mariyeen sharci ka kooban hal qodob oo keliya oo nuxurkiisu yahay “Muddada Golaha Guurtidu waxay mar walba hal sano ka dambaynaysaa, muddada xil haynta golaha wakiillada”, go’aankaas ka soo baxay golayaasha baarlamaanka ayaa summadiisu ay tahay GW/KF-19/245/2003. Waxaa xiise gaar ah leh, in xeerkaas loo adeegsanayo muddo kordhinta guurtida uu ka kooban yahay oo keliya halkaas qodob.

  • Golaha Haatan Fadhiyaa ma yahay Golihii la soo doortay 1997:

Golaha Guurtidu waxay ka kooban yihiin 82 mudane iyo xubno sharafeed aan cod lahayn, sida uu xaqiijiyey xafiiska la socodka hawlaha doorashooyinku, waxaa Meesha ka baxay oo aan ka mid ahayn golaha guurtida ee haatan jooga, in ka badan 72 mudane oo ka mida xubnihii rasmiga ahaa ee la soo xulay sannadkii 1997.

Taas oo ka dhigan, inay golaha fadhiyaan 11% oo ka mida xubnihii rasmiga ahaa ee la soo xulay sannadkii 1997. Halka ay cusub yihiin 89% xubnaha golaha fadhiya, oo aan ahayn kuwii bulshadu soo xushay sannadkii 1997.

Xubnaha buuxiyey kuraasta ka banaanaatay golaha Guurtida ayaa ku yimi hab dhaxal ah, taas oo aan meelna sharciga kaga qornayn, in qof la soo xulay uu bedelo wiilkiisa ama qof xigaalkiisa ah, waxaana xubin kasta oo golaha ka baxday lagu bedelay qof ehelkiisa ah ama caruurta uu dhalay, taas oo ka dhigan in sifaha ay golaha ku soo galeen xubnaha cusubi in dood badani ay ka taagan tahay. Xubnaha qaarkood ayaa maraya dhaxalkii saddexaad. Tusaale ahaan, xubin ka mida golaha guurtida oo geeriyootay ayaa kursigii banaanaaday lagu soo buuxiyey wiil uu dhalay, ka dib wiilkii ayaa Meesha ka baxay waxaana lagu soo buuxiyey wiil kale oo uu dhalay ama ay ehel yihiin.

Sida uu dhigayo qodobka 59aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, faqraddiisa 1aad, qofka ku biiraya golaha guurtida Somaliland ayay tahay inay da’diisu ka weyn tahay 45 jir. Haddaba waxaa haatan golaha guurtida ku jira xubno badan oo da’doodu ay ka yartahay, shuruudda laga doonayo xubnaha golaha guurtida, sidaas awgeed waxaa si ula kac ah loo jebiyey qodobkaas dastuurka ah.

Haddaba waxay arrimahani muujinayaan in dood sharci ay hortaallo, xubnaha golaha guurtida.

  • Haweenka iyo Dhalinyarada:
  • Labada Gole Baarlamaan, haweenku wax metelaada kuma laha, 164 mudane, waxaa haweenku ay ku leeyihiin 1 xubin oo keliya.
  • Hablaha iyo wiilasha dhalinyarada ah ee dhashay sannadkii 1991, markii Somaliland ay xorriyadooda dib ula soo noqotay iyo wixii ka dambeeyey, ma metelaan golayaasha wakiillada iyo Guurtida ee haatan joogaa, sababtoo ah, dhalinyaradaasi umay codayn labada gole midna, sidaas awgeed, waxay muujinaysaa inaanay haysanin kalsoonida qaybaha ugu ballaadhan bulshada. Wiilka ama gabadha dhalatay 1991, lix jir ayay ahayd markii la soo xulay golaha guurtida sannadkii 1997, halka wiilka ama gabadha dhashay 1991 uu ahaa 14 jir aan loo ogolayn inuu codeeyo markii la soo dooranayey golaha wakiillada ee Somaliland sannadkii 2005.

Haddaba, arrimaha kor ku xusan marka la eego, waxaa innoo caddaanaysa:

  • In Golaha Guurtidu ay muddo dhaaf yihiin in ka badan 17 sannadood.
  • Inay mar kasta oo la is yidhaahdo sameeya xeerka lagu soo dooran lahaa Xubnaha Golaha Guurtida, inay caqabad ku noqdeen oo ay hor istaagayeen.
  • Inay caqabad ku noqdeen hannaanka dimoqraadiga iyo doorashooyinka Somaliland, iyaga oo mar walba muddo kordhin u samaynaya masuuliyiinta la soo doorto, si ay iyaga laftigooduna muddo kordhin u helaan.
  • Inaanay metelin dhalinyarada da’doodu ka hoosayso 35 jir, maadaama aanay talo iyo tusaale toonna ku lahayn xilligii la soo xulayey golahan guurtida ee haatan jooga, muddoo 22 sannadood ka hor.
  • In 89% ay Meesha ka baxeen golihii rasmiga ahaa ee la soo xulay sannadkii 1997, taas oo haatan ay ka joogaan wax ka yar 10 mudane oo keliya halka in ka badan 72 mudane ay Meesha ka baxeen.
  • In goluhu jebiyey qodobo dastuuri ah oo ay ka mid yihiin qodobka 59aad oo ka hadlaya da’da lagu soo gelayo golaha, iyo qodobo kale.
  • Inaanu goluhu illaa haatan diyaar u ahayn inay sameeyaan xeerkii lagu soo dooran lahaa.
  • Gunaanad iyo Talo-soo jeedin:
  • Waxaan soo dhoweynayaa Guddida Dhexdhexaadinta ee ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo isu xilqaamay, in xal laga gaadho muranka siyaasadeed ee ka dhex taagan Xisbiyada Siyaasadda ee Somaliland. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Siyaasadda ee Somaliland inay qaataan wixii xal ah ee ay soo saaraan guddida dhexdhexaadintu.
  • Waxaan ugu baaqaynaa Hoggaamiyayaasha siyaasadda ee Somaliland, inay meel durugsan eegaan, oo ka fekeraan mustaqbalka bulshada ku hoos nool iyo hirgelinta nidaamka dimoqraadiga ah ee fursadda u siiyey inay bulshada hormuud siyaasi ah u noqdaan.
  • Somaliland kuma taallo jasiirad ka go’an dunida, taas bedelkeeda waxay gucle-xooggan ugu jirtaa, inay hesho ictiraaf, sidaas awgeed, waxaan madaxda Somaliland ugu baaqaynaa, inay dhegaystaan dareenka ay innaga bixinayaan saaxiibada Somaliland, sababtoo ah waa cidda aynu ka rabno inay innala macaamilaan ama gacan innaga siiya dhinacyo kala duwan, sida Doorashooyinka, Nabadgelyada, Horumarka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iwm.
  • Waa muhiim in si degdeg ah loo qabto Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo aanay dhaafin sannadka 2020, isla markaana, waa in si wada-jira looga shaqeeyo in la xalliyo muranada siyaasadeed ee ka taagan guddida Doorashada iyo caqabadaha kale ee ku Hareeraysan.
  • Waxaan soo dhoweynaynaa tallaabada ay muwaadiniin kala duwani ay dacwad kaga geeyeen Muddo-kordhinta ay sameeyeen golaha Guurtida, annaga oo u aragna in muddo kordhintaasi aanay ahayn mid loo baahan yahay taas bedelkeedana ay caqabad ku noqonayso in muwaadiniintu ay fursad u helaan inay soo doortaan xubnihii meteli lahaa.
  • Waxaa aad u liita ka qaybgalka siyaasadda ee Haweenka, sidaas awgeed, waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha iyo madaxda kale ee siyaasaddaba inay door siiyaan haweenka.
  • Waxaan aad uga xunnahay tallaabadii lagu xidhxidhay masuuliyiinta ka tirsanaa Xisbiga Waddani, taas oo ahayd, arrin walaac badan ku abuuraysa, in xisbiyada mucaaradka ahi ay si xor ah u qabsan karaan hawlohooda siyaasadeed iyaga oo raacaya shuruucda kala duwan ee dalka.

Madaxweynaha:

  • Madaxweynaha oo ah, masuuliyiinta la doorto, Xafiiska keliya ee haatan ku fadhiya xilligii sharciga ahaa ee la soo doortay, waxaan ugu baaqaynaa in muujiyo door hoggaamineed oo lagu soo afjarayo khilaafadka siyaasadeed ee dalka ka taagan, isla markaana uu ku diyaarinayo saaxadda lagu tartami lahaa, maadaama madaxweynuhu uu yahay cidda ka masuulka ah, qabashada doorashooyinka, marka laga yimaaddo guddida doorashada.

Guurtida:

  • Waxaan ku baaqaynaa in la sameeyo Xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha Guurtida ee Somaliland, si ay Meesha uga baxdo muddo kordhinta la caadaystay, isla markaana loo heli lahaa goleyaal metela bulshada oo gudan kara waajibaadka dastuuriga ah.

Dhinacyada Doorashooyinku Khuseeyaan:

  • Haddii la rabo inay Somaliland ka qabsoomaan Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilladu, waa in lagu heshiiyaa qorshe doorasho (Electoral Road Map), kaas oo faahfaahinaya, habka loo qabanayo hawlaha diyaargarawga doorashooyinka, xilliga ay tahay in la qabto iyo cidda ay tahay inay fuliyaan. Haddii aan qorshahaas la helin, weli caqabad ayaa jiraysa.
  • DHACDOOYINKA DOORASHOOYINKA EE AFARTII BILOOD EE UGU DAMBEEYEY BILOOD EE UGU DAMBEEYEY
  • July 27 2019: Kulan ay ka soo shaqeeyeen beesha caalamku oo ay goobjoog ka ahaayeen Ergeyga Midawga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Madaxa Xafiiska Britain ay ku leedahay Hargeisa Stuart Brown, ayaa lagu gaadhay heshiis lagu soo afjarayey khilaafkii ka dhex taagnaa arrimaha guddida doorashada ee Somaliland iyo habraaca soo xulista guddida cusub ee doorashada oo ay isla qaateen wakhtiga ay tahay in golaha wakiilladu ansixiyo iyo soo jeedinta in la kordhiyo tirada xubnaha guddida doorashada.[2]
  • August 6, 2019: Masuuliyiinta labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa tegey golaha wakiillada si ay ugu ololeeyaan in la ansixiyo isfahamkii ay wada-saxeexdeen labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaradka ah iyo madaxweynaha.[3] Hase ahaatee markii mooshinkaas la horgeeyey golaha wakiillada, waxaa fadhiga ka dareeray xildhibaano ka soo kala jeeday gobollada Galbeedka iyo Bariga Somaliland kuwaas oo sheegay inay ka soo horjeedaan in la ansixiyo isfahamka xisbiyada illaa go’aan laga gaadhayo arrimo ay ka mid yihiin saami-qaybsiga kuraasta baarlamaanka.[4]
  • August 08, 2019: Maadaama qodobka 9aad ee Xeerka Doorashada Somaliland (Xeer Lr. 20/2001) uu dhigayo in guddida doorashadu ay ku dhawaaqaan 120 habeen ka hor doorashada, in doorashadu ay dhacayso iyo inkale, waxaa guddida doorashada ee Somaliland ay shaaciyeen inaan doorashadu qabsoomi doonin 12/12/2019, maadaama aan weli la xallin duruufihii ku xeerraa doorashada.[5]
  • August 17, 2019: Garyaqaanka Golaha Wakiillada ayaa sheegay inaanay sharciyan banaanayn in laga doodo mooshin hore golaha u soo maray, isaga oo buriyey, mooshin ay xildhibaanadu doonayeen in lagu ansixiyo heshiiskii is-afgarad ee u dhexeeyey xisbiyada qaranka kaas oo dhigayey in dib loo eego tirada guddida doorashada iyo habraaca ansixinta guddida doorashada oo wakhtiyaysan. Hase ahaatee xisbiyada mucaaradka ayaa arrintaas dhaleeceeyey oo ku tilmaamay inay muujinayso inaanay xukuumaddu daacad ka ahayn heshiiskii la gaadhay 27 July 2019, iyaga oo ku eedeeyey in xukuumaddu ay door ku lahayd fashilinta heshiiskaas, waxaase eeddaas iska difaacay Xisbiga Kulmiye oo iska fogeeyey inay wax lug ah ku leeyihiin.[6]
  • August 18, 2019: Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in cidda keliya ee heshiiska awood u lahayd inay diido ama ansixiso ay ahayd golaha wakiillada oo cod geliya, hase ahaatee aanay habboonayn in la taliye sharci uu sharci-darro ku tilmaamo, heshiis uu saxeexay madaxweynihii dalka iyo labadii guddoomiye xisbi, waxaana Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani uu sheegay inay ka baxeen heshiiskaas maanta wixii ka dambeeya, ayna ku eedaynayaan Xukuumadda inaanay daacad ka ahayn.[7] Hase ahaatee Guddoomiyaha Hay’adda dib-u-dejinta barakacayaasha Cabdikariin Xinif oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay, in saddexda Xisbi ay heshiis ku ahaayeen in golaha loo gudbiyo isfahamka, ayna iyagu xaq u leeyihiin inay diidaan ama yeelaan, hase ahaatee aan heshiis lagu ahayn in Xisbiyada qaarkood ay golaha tagaan oo ka dhex ololeeyaan, aanayna xisbigoodu golaha tegin, wax lug ahna aanay ku lahayn tallaabada lagu laalay, haddiise caddayn ay hayaan ay keenaan.[8]
  • August 26, 2019: Kulan kale oo ay yeesheen madaxda Xisbiyada iyo madaxweynaha Somaliland, ayaa war ka soo baxay madaxtooyada lagu sheegay, inay masuuliyiintu ka wada hadleen sidii loo sii ambaqaadi lahaa heshiiskii hore ee xisbiyada iyo madaxweynuhu gaadheen muddo bil ka hor ah, iyada oo laga wada hadlay dareenka diidmada leh ee ay xisbiyada mucaaradku ka muujiyeen in golaha wakiilladu ay ansixin waayeen heshiiskii saddexda xisbi, Waxaa madaxweynuhu sheegay inuu diyaar u yahay inuu fuliyo heshiiskii hore ee xisbiyadu gaadheen. Isla qoraalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu 25 August u kala diray xisbiyada iyo Guurtida inay soo magcaabaan xubnaha guddida cusub ee doorashada. [9]
  • August 27, 2019: Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaanu jirin wax heshiis ah oo dhinacyadu ay isla gaadheen hase ahaatee laga wada hadlay sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii hore.[10]
  • September 19, 2019: Xisbiga UCID ayaa u gudbiyey madaxweynaha xubintiisa ka mid noqonaysa guddida cusub ee doorashada Somaliland.[11]
  • October 9, 2019: Xisbiga Waddani ayaa u gudbiyey madaxweynaha xubintiisa uga mid noqonaysa guddida doorashada ee cusub.[12]
  • October 11, 2019: Warbaahin kala duwan ayaa qortay in madaxweynuhu dib u celiyey xubin ka mida laba xubnood oo ay golaha guurtidu u soo gudbiyeen, sidoo kale Xisbiyada Mucaaradka ayaa sheegay in madaxweynuhu dib u celiyey xubin ay soo xuleen golaha guurtidu.[13]
  • October 14, 2019: Madaxweynaha ayaa u gudbiyey golaha wakiillada, liiska guddida Doorashooyinka ee ay soo magcaabeen Xisbiyada, Madaxweynaha iyo Golaha Guurtidu.[14]
  • October 15, 2019: Xisbiga Waddani ayaa hakad geliyey in la ansixiyo xubintii uu u magcaabay guddida cusub ee doorashada, isaga oo ka cabanaya, in guddida doorashada ee cusub uu madaxweynuhu u magcaabay xubno ka tirsan xisbigiisa, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa caddeeyey inay heleen qoraal ka yimi xisbiga waddani oo ay ku hakinayaan xubintooda.[15]
  • October 16, 2019: Xisbiga UCID ayaa ka horyimi xubin uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u magcaabay guddida doorashada, iyaga oo ku eedeeyey in xubintaasi ay ka tirsanayd xisbiga Kulmiye, waxayna sidaas ku sheegeen qoraal ay sheegeen inay u gudbiyeen madaxweynaha, golaha wakiillada iyo cid kasta oo arrimaha doorashadu ay khusayso.[16]
  • October 16, 2019: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa difaacay xubnaha uu u magcaabay guddida doorashada, isaga oo sheegay in golaha wakiilladu xaq u leeyihiin inay go’aan ka gaadhaan cabashada xisbiyada mucaaradka ah, sida uu sharcigu dhigayo.[17]
  • November 12, 2019: Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ansixiyey 6 xubnood oo ka mida 7-da xubnood ee guddida doorashada Somaliland, waxaa madashaas ka maqnayd xubintii xisbiga Waddani.[18]
  • November 12, 2019: Labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID ayaa qoraal wada jira oo ay soo saareen ku sheegay inay qaadaceen wada-shaqaynta guddida cusub ee doorashada, iyaga oo ku eedeeyey in xulistiisa loo maray hab baal marsan shuruucda dalka.[19]
  • November 12, 2019: Xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inay la shaqaynayaan guddida doorashada ee cusub, isla markaana uu yahay guddida cusubi kan sharciga ah.[20]
  • November 14, 2019: Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa sheegay inaanay marna la shaqaynayn guddi doorasho oo uu ka mid yahay, xubinta madaxweynuhu soo magcaabay ee lagu muransan yahay.[21]
  • November 16, 2019: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanu jirin heshiis ay wadagaleen isaga iyo labada xisbi mucaarad oo ku aaddan inaan la soo celinin xubnihii hore, isaga oo ugu baaqay xisbiyada mucaaradka ahi inay keenaan haddii ay hayaan heshiiskaas, haddiise aanu jirin ay tahay inay umadda runta u sheegaan, isagoo sheegay inuu ayidsan yahay go’aanada golaha wakiillada oo ah kuwa sharciga ah.[22]
  • November 17, 2019: Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa gobolka Maroodi-jeex inay isugu yimaaddaan xarunta xisbigaas, si ay ugala hadlaan fariimo muhiim ah oo qaranka lagu badbaadinayo.[23] Hase ahaatee waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Booliska, Maayarka Caasimadda Hargeisa, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex, afhayeenka madaxtooyada Somaliland iyo masuuliyiin kale oo dawladda ah oo sharci-darro ku tilmaamay, in guddoomiyuhu taageerayaashiisa gobolka maroodi-jeex ugu yeedho, inay isugu yimaaddaan xarunta xisbigaas, iyada oo taliyaha boolisku sheegay in isu-soo baxa xisbiga waddani la joojiyey.[24]
  • November 17, 2019: Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay, inaanay jirin wax iska bedelay, baaqii guddoomiyaha xisbiga waddani ee ahaa, in taageerayaasha xisbiga ee gobolka Maroodi-jeex ay isugu yimaadaan xarunta xisbigaas, ballantuna ay sidaas weli u taagan tahay.[25] Hase ahaatee waxaa saacado ka dib xabsiga la dhigay Afhayeenka Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun, iyada oo haddana la xidhay Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ka dib markii uu xabsiga ku booqday afhayeenka Xisbiga Waddani, sidoo kale waxaa la xidhay guddoomiyihii xisbiga Waddani ee gobolka Awdal iyo taageerayaal kale oo kala duwan. Inkasta o la soo daayey masuuliyiintan November 27th 2019, ka dib markii ay arrintan ka odayeeyeen guddi dhexdhexaadin ah oo iskood isu xilqaamay.
  • Noveember 18, 2019: Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo shirjaraa’id ku qabtay xarunta Xisbiga Waddani ee magaalada Hargeisa ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay la wareegeen xarunta guud ee xisbigaas, oo ay saacado badan haysteen, ka hor intii aan isaga iyo taageerayaashiisu si nabada kula wareegin. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay rasaas u adeegsadeen, isla markaana uu rasaastaas ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada booliska. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in taageerayaasha xisbigu ay isugu yimaadaan dhammaan xarumaha xafiisyada gobollada dalka.[26] Hase ahaatee Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa ku eedeeyey guddoomiyaha Xisbiga Waddani, in isaga iyo taageerayaashiisu ay jiidheen ciidamada booliska, isla markaana ay qaadayaan masuuliyadda, khasaaraha goobtaas ka dhashay, isaga oo ku eedeeyey ilaalada guddoomiye cirro inay toogteen mid ka mida askartii booliska ahaa. Taliyaha ayaa ku eedeeyey saraakiisha xisbiga waddani ee ay xidheen inay wadeen abaabul bilaa sharci ah, isla markaana in la qabtay iyaga oo abaabulkaas faraha kula jira.[27]
  • November 18, 2019: Xisbiga Waddani ayaa sheegay in guddi dhexdhexaadini ay u timi xisbiga Waddani, si loo xalliyo is-mari waaga siyaasadeed, waxaana ergadaasi ka koobnayd, Xisbiga UCID, Madasha Wadatashiga iyo Madax hore oo Somaliland soo martay, Xisbiga Waddani ayaa sheegay inay ergadaas aqbaleen, isla markaana ay dib u dhigeen isu-soo bixi taageerayaasha xisbiga ay ugu baaqeen. Xisbiga ayaa cambaareeyey xadhiga loo geystay masuuliyiinta xisbiga waddani iyo in ilaaladii guddoomiyaha xisbiga waddani in laga qaaday.[28]
  • November 19, 2019: Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali waraabe ayaa sheegay in guddi dhexdhexaadin oo uu ka mid yahay ay galeen, sidii loo xallin lahaa arrimaha ay ku kala aragtida duwan yihiin xisbiyada mucaaradka ah iyo madaxweynaha, isaga oo ku baaqay in la soo daayo xubnaha xisbiga waddani ee xidhan si fursad loo siiyo wadahadalka. Guddoomiye Faysal ayaa sidoo kale sheegay inay Golaha Guurtida u sheegeen inay dib u dhigaan muddo kordhinta ay wadaan, si marka hore loo xalliyo khilaafaadka taagan.[29]
  • November 24, 2019: Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa muddo kordhin 2 sannadood ah u sameeyey golaha wakiillada ee Somaliland, iyagoo golaha guurtiduna ay korodhsadeen muddo laba sano ah.[30]
  • November 24, 2019: Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani ayaa si wada-jira uga horyimi muddo kordhinta loo sameeyey golaha baarlamaanka, waxayna ku tilmaameen in madaxweynihii taladii maroorsaday oo uu ku maamulayo dalka hannaan keli-talisnimo ah, iyaga oo sheegay inaanay la shaqayn doonin guddida doorashada illaa laga saaro xubnaha ay ka cabanayaan.[31]
  • November 24, 2019: Guddoomiyaha labaad ee Xisbiga Kulmiye, Axmed Cabdi Dheere ayaa sheegay in hannaanka golaha guurtidu u martay muddo kordhintu ay tahay mid sharciya, isaga oo ku eedeeyey in xisbiyadu ay ka masuul yihiin in muddo kordhin la sameeyo.[32]
  • November 25, 2019: Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey lixda xubnood ee guddida doorashada ee golaha wakiiladu ay ansixiyeen. Hase ahaatee waxaa dood sharci laga keenay habka loo dhaariyey oo la sheegay inaanay waafaqsanayn xeerka doorashada, habka uu dhigayo in guddida loo dhaariyo.[33]
  • November 26, 2019: Guddi kale oo dhexdhexaadinta ah oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay inay gelayaan xal u helidda khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo xisbiyada mucaaradka ah, iyaga oo sheegay inay labada dhinacba ka heleen kalsoonidooda.[34]
  • November 27, 2019: Beesha caalamka ayaa walaac xooggan ka muujisay hannaanka doorashooyinka Somaliland, muddo kordhinta ay sameeyeen golaha guurtida iyo xadhiga loo geystay masuuliyiinta kala duwan. Qaramada Midoobay, IGAD, Midawga Yurub, Maraykanka, Germany, United Kingdom, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Holland, Finland, France, Italy, Greece iyo Switzerland, ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda Somaliland, inay muujiyaan isu-tanaasul iyo wada-xaajood ay ku xallinayaan khilaafaadka jira isla markaana ay ku xaqiijinayaan in la helo guddi doorasho oo haysta kalsoonida dhinacyada oo dhan iyo inay ka shaqeeyaan sidii doorashooyinku ay ugu qabsoomi lahaayeen sannadka foodda innagu soo haya ee 2020.[35]
  • November 30, 2019: Guddida Cusub ee doorashada Somaliland ayaa guddoomiye u doortay mudane Cabdirashiid Riyo-raac oo ahaa xubin ay ka cabanayeen xisbiyada mucaaradku, waxaana guddoomiye ku xigeen loo doortay Mustafe Maxamed Daahir. Sidoo kale guddida cusub ee doorashada ayaa xilka kala wareegay guddidii hore ee doorashada Somaliland ee wakhtigoodu dhamaaday.[36] Hase ahaatee Xubinta uu soo magcaabay Xisbiga UCID ee ka tirsan guddida doorashada ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha cusub ee guddida doorashadu ay ahayd mid gacan ku rimisa oo aan loo dhamayn.[37]
  • December 04, 2019: Madasha-tashiga ee Somaliland oo ay ku midoobay siyaasiyiin kala duwan ayaa Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah u gudbiyey dacwad ka dhan ah, muddo kordhinta golaha guurtidu ay sameeyeen. Siyaasiyiin ka tirsan madasha wada tashiga ayaa sheegay in guddoomiyaha maxkamadda sare uu ka qabtay dacwaddaas. Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac ayaa bartiisa twitterka ku sheegay inay maxkamadda ka rajaynayaan inay Meesha ka saarto go’aanka muddo kordhinta ee guurtida.[38]
  • December 10, 2019: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka Somaliland, isla markaana sababaha dib u dhaca keenayaa ay tahay, muranka siyaasadeed iyo khilaafka ka dhex jira Xisbiyada, wuxuuna ugu baaqay Xisbiyada Mucaaradka in kulan degdeg ah la isugu yimaaddo oo lagaga arrinsanayo, xal ka gaadhista khilaafaadka jira.[39]
  • December 10, 2019: Xisbiyada Mucaaradka ee Somaliland ayaa ku gacan saydhay baaqa madaxweynaha, iyaga oo sheegay inaanay madaxweynaha wax wada shaqayna la yeelanayn illaa uu doorashooyinka qabto, waxayna ku eedeeyeen in madaxweynuhu aanu fulinin ballamaha uu qaado.[40]
  • December 12, 2019: Madasha wadatashiga ayaa sheegay in maxkamadda sare ay burisay dacwaddoodii isla markaana aanay ka jawaabin nuxurka dacwaddooda, hase ahaatee maxkamaddu ay suaal gelisay sharciyadda madasha wada-tashiga. Xasan Guure oo u hadlay madasha wada-tashiga ayaa sheegay inay dacwadda dib ugu celin doonaan maxkamadda iyaga oo ah muwadiniin caadiya.[41]

Ku Saabsan CPA

Xarunta CPA waxaa loo aasaasay inay dalalka Geeska Afrika ka caawiso dib u dhiska, nabadaynta, dimoqraadiyadda, iyo Xuquuqda Aadanaha. Xarunta CPA waa magaalada Hargeisa ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Address

Address: Red Sea village, I/K district, Hargeisa, Somaliland.

Email: centerforpolicy.ed@gmail.com

Web: www.centerforpolicy.net


[1] Warbixinta “Somaliland’s Election Process: Facts and Figures” https://www.horndiplomat.com/wp-content/uploads/2019/10/Facts-on-electons-report.pdf

[2] Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay doorashada (October 21, 2018) Hargeisa TV Youtube Channel https://www.youtube.com/watch?v=G66U84zsAKY&t=839s

[4] Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka oo tegey Golaha Wakiillada ee Somaliland si ay ugu ololeeyaan ansixinta isfahamka saddexda xisbi https://www.youtube.com/watch?v=py7QSQagrIA

[5] Guddoomiyaha Guddida Doorashada oo ka hadlay in doorashadu aanay dhacay xilliga loo asteeyey https://www.youtube.com/watch?v=6uTlZDiBgXY

[6] La taliyaha Sharciga ee Golaha Wakiillada oo ku tilmaamay inaanu sharci ahayn mooshin ka hadlayey ansixinta isfahanka Xisbiyada oo golaha loo gudbiyey https://www.youtube.com/watch?v=fcMdToNBct0

[7] Xisbiga Waddani oo ka baxay isfahankii Xisbiyada, ka dib markii ay ku eedeeyeen in Xukuumaddu ka masuul ahayd in goluhu ansixin waayo isfahanka https://www.youtube.com/watch?v=9WdODrtF-Ic

[8] Xisbiga Kulmiye oo iska fogeeyey eedda Xisbiyada Mucaaradka ah https://www.youtube.com/watch?v=p2FlFf4vBAY

[9] Qoraal ay madaxtooyadu ka soo saartay, nuxurka kulan dhex maray xisbiyada iyo madaxweynaha oo lagaga hadlay arrimaha doorashooyinka https://somalilandnation.com/2019/08/26/madaxweynaha-iyo-axsaabta-xisbiyada-oo-ka-wada-hadlay-sidii-loo-sii-amba-qaadi-lahaa-heshiiskii-saddexda-xisbi-qaran-ee-qabsoomida-doorashooyinka/

[10] Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan http://hadhwanaag.ca/mobile/articles/6046/Hogaamiye-Xirsi-Oo-Cadeeyey-Dood-Ay-La-Hortageen-Madaxweyne-Muuse-Biixi-Oo-Ku-Saabsan-Heshiiskii-Fashilmay-Ee-Doorashada

[11] Xisbiga UCID oo Gudbiyey xubintiisa guddida doorashada https://hargeisapress.com/ucid-oo-gudbiyey-xubinta-uga-mid-noqonaysa-koomiishanka-cusub-ee-doorashada-somaliland/

[12] Waa kuma Xubinta Xisbiga Waddani u gudbiyey guddida doorashada, Hadhwanaagnews http://hadhwanaagnews.ca/mobile/articles/7251/Waa-Kuma-Masuulka-Gudoomiye-Cirro-U-Xushay-Xubinta-Komishanka-Doorashooyinka-Uga-Wakiilka-Noqon-Doonta-Xisbiga-WADDANI

[13] https://www.wajaalenews.net/?p=106691

[14] http://somalilandpost.net/toddobada-xubnood-ee-komishanka-cusub-oo-loo-gudbiyey-g-wakiillada-iyo-xisbiga-waddani-oo-hakiyey-xubintii-uu-soo-magacaabay/

[15] Guddoomiyaha Golaha wakiillada oo sheegay inay heleen waraaq cabasho ah oo uga timi Xisbiga Waddani https://www.youtube.com/watch?v=1IbMzgakmRQ&feature=emb_title

[16] Musharaxa madaxweyne xigeen ee Xisbiga UCID oo faahfaahiyey qoraalka cabashada ah ee Xisbiga UCID https://www.youtube.com/watch?v=1IbMzgakmRQ&feature=emb_title

[17] Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay cabashada xisbiga waddani ee guddida doorashada https://www.youtube.com/watch?v=bthP3x7HeYo&feature=emb_title

[18] Golaha Wakiillada oo ansixiyey 6 xubnood oo ka mida guddida cusub ee doorashada https://www.youtube.com/watch?v=YP6yoMkknTg

[19] Xisbiyada UCID iyo Waddani oo ka soo horjeestay ansixinta guddida cusub ee doorashada https://goobjoog.com/somaliland-ucid-iyo-wadani-oo-kasoo-horjeestay-guddiga-doorashada/

[20] Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay ansixinta gudida doorashada https://www.youtube.com/watch?v=VL453TyoI2I

[21] Guddoomiyaha Xisbiga UCID https://www.youtube.com/watch?v=OCYzI6BfcIc

[22] Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay arrimaha Doorashooyinka https://www.youtube.com/watch?v=-EUEkIqt5jI

[23] Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo ku baaqay isu-soo bax https://www.youtube.com/watch?v=t_zlUqU6WNI

[24] Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay hadalka Guddoomiye Cirro https://www.youtube.com/watch?v=FOennmSGAT4

[25] Afhayeenka Xisbiga Waddani oo sheegay inaanay waxba iska bedelin baaqii guddoomiyaha xisbiga waddani https://www.youtube.com/watch?v=JLfZ06_UUus

[26] Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo markale ku baaqay isu soo bax https://www.youtube.com/watch?v=3mVhSG5Fdlc

[27] Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland https://www.youtube.com/watch?v=3mVhSG5Fdlc

[28] Xisbiga Waddani oo dib u dhigay isu soo baxyadii https://www.youtube.com/watch?v=Nuzh2aq5dNs

[29] Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo ka hadlay guddida dhexdhexaadinta https://www.youtube.com/watch?v=k3DWmRD29i0

[30] Golaha Guurtida oo muddo kordhin u sameeyey golayaasha baarlamaanka https://www.youtube.com/watch?v=hAY5W_IClUY

[31] Xisbiyada UCID iyo Waddani oo shir wada jir ah oo ay yeesheen kaga horyimi muddo kordhinta https://www.youtube.com/watch?v=ty-39338aLc

[32] Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay muddo kordhinta https://www.youtube.com/watch?v=oHWmhaU9ynk

[33] Guddida Doorashada Somaliland oo la dhaariyey https://www.youtube.com/watch?v=Ec158sgPZEg

[34] Guddida dhexdhexaadinta oo hadlay https://www.youtube.com/watch?v=2qcr61OYQSs

[35] Warsaxaafadeedka beesha caalamka https://eeas.europa.eu/sites/eeas/files/final._statement_by_the_international_partners_to_somaliland._2017.01.26.pdf

[36] Guddida doorashada oo iska dhex doortay guddoomiye https://www.youtube.com/watch?v=uFszDB3vo7Y

[37] Xubin ka tirsan guddida doorashada oo ku gacan saydhay doorashada guddoomiyahooda https://www.youtube.com/watch?v=BK-KuRNvOJY

[38] Maxkamadda sare oo loo gudbiyey dacwad ka dhan ah golaha guurtida Somaliland https://www.youtube.com/watch?v=9f-yFZwwfxw

[39] Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo baaq u jeediyey Xisbiyada Mucaaradka https://www.youtube.com/watch?v=fBB608KzWAg

[40] Hadalka Xisbiyada Mucaaradka Somaliland https://www.youtube.com/watch?v=L1fDNDzQoVM

[41] Madasha wada-tashiga oo dacwadooda maxkamadda sare ka hadlay https://www.youtube.com/watch?v=9Gqj2Sf4Xc4